Caafimaadka Maskaxdu

Mental Helse

Mental Helse (Caafimaadka Maskaxdu) ama manku wuxuu kugu dhiirigelinayaa inaad
waax weydiiso kuwa kugu dhow- #weydii.

Mental Helse daryeelidda (caafimaadka maskaxda )wuxu kugu dhiirigelinayaa inaad Isku
daydo in aad xidhiidh la lahato saaxiibbadaada adigoo isticmaalaya telefoonka, iimayl
ama baraha bulshada.

Wakhtiga dareenka diiqada ama iskubuqiida. Taageero iyo wehel u mujii qofka u bahaan
cawimadada.

Nasiib darrose, waxaa jira adeegyo caafimaad oo aad u yar oo loogu talogalay dadka ku
hadla afafka laga tirada badan yahay ee maskaxda wax ka qaba.

Sidaa darteed, waxaa aad muhiim u ah inaan ku fiicanahay wada hadalka, is caawinta
nolol maalmeedka, iyo ka wada shaqeynta midba midka kale caawimaad ku habboon oo
xirfad leh haddii loo baahdo.

Haddii aad adigu halgan ugu jirto naftaada, waxaad ka heli kartaa kooxo caawimaad ah,
tusaale ahaan, Facebook oo ay la socdaan dad aad u tiro badan oo kugu soo muuqanaya
goobta aad degan tahay, ha noqoto wada sheekeysi, lugeysi /socod ,ama adeegyo la
taaban karo.

Nasiib wanaaga, waxaa jira dad aad u tiro badan oo wanaagsan oo halkaa jooga kuwaas
oo u dooda/ u istaga ama wax tara dadka kale.

Isku xirnaantu waxay aasaas u tahay caafimaadka maskaxda wanaagisa. Anaga oo xiise
u leh sida dadka aan la kulanno u dareemaan, dhageysiga iyaga una sheegno inaad
aragtid/ka warhayso ,tani waxay calaamad u tahay inaan dhammaanteen ku lug leenahay dhismaha bulsho loo wada dhan yahay

Furfurnaan/ Hufnaan badan oo ku saabsan caafimaadka maskaxda waxay u horseedi
kartaa:

  • In ay fududaaneyso in fikradaha lala wadaago dadka kale, lana siiyo lana helo taageero
  • Taabasho iyo xishood yaraan/ceeb ku saabsan caqabadaha maskaxda
  • Si loo xoojiyo caafimaadka maskaxda
  • Jawi deegaanka ka mid ah oo loo wada dhan yahay, bey’ad shaqo iyo bey’ad iskuul
  • Bulsho deeqsi badan

Meshan Caafimaadka maskaxda, waxaan leenahay howlo badan oo isu keena dadka ka
kala yimid / jeeda asalo kala duwan, sidoo kale waxaan haynaa adeegyo aad qof kula
hadli karto markii loo baahdo.

Shaqaalaheennu waxay si fiican ugu hadlayaan Ingiriisiga iyo Noorwiijiga.Haddii aad u
baahan tahay qof aad la hadasho, waxaad wici kartaa Khadka Caawinta ee taleefanka
116 123.

Waxaan sidoo kale leenahay Wadahadal /sheekaysii halkaasoo shaqaaluhu ku fahmayaan labada luqadood ee Noorwiijiga iyo Ingiriiska.Sidetmedord.no (sheeko / Wadahadal iyo madal )

Wixii intaa ka badan waxaad ka akhrisan kartaa degelladayada.

Liiska adeegyada kaalmada dadweynaha ee Oslo.hjemmesider.